ku jirid
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ku jirid
Inclusion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danla'aansho
(Danla'aansha-ha)
Dan ku jirid la'aanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexayn
(Dhexayn-ta)
Meel dhex ah joogid ama ku jirid; labo wax dhexdood ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foororid
(Foororid-da)
Wax foorora ahaan; fooror ku jirid, ku sugnaan, (ama foorarid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdid
(Hurdid-da)
Hurdo dhex gelid, ku jirid; seexasho; gama'sanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadeednaan
(Kadeednaan-ta)
Kaddeed ku sugnaan; silic ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siicid
(Siicid-da)
1. Dhib ku jirid; rafaadsanaan; liidasho.
2. Dhega'adkayn; dhasiigid.
3. Tixgelis iyo qiimayn la'aan; quursasho; yasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xigid
(Xigid-da)
1. U dhowaan aan wax kale ama cid kale u dhexayn.
2. Xigto iyo sokeeye (cid u) ahaansho.
3. Meel ku sugnaan; ku jirid.
4. Xoolo la lisay, haddana (waxyar kaddib) lisid labaad ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaan
looyaan¹: m.dh 1. Nasiino iyo joogsad la'aan. 2. Xasillooni la'aan; wareer.
looyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay) Nasiino iyo joogsad la'aan ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mustareex
mustareex¹: m.l Dhib la'aan iyo nasiino; raaxo.
mustareex²: f.g1 (-xay, -xday) Dhib la'aan iyo nasiino ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. la-mid: naalloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siic
siic¹: m.l 1. Dhega-adeyg. 2. Dhib ku jirid; rafaadsanaan. 3. Yasid.
siic²: f.mg1 (-cay, -cday) 1. Dhega-adeyg muujin. 2. Dhibkujir. 3. Yas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mustareex
mustareex¹: m.l Dhib la'aan iyo nasiino; raaxo.
mustareex²: f.g1 (-xay, -xday) Dhib la'aan iyo nasiino ku jirid. m.f.dh, mustareexid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naalloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. m.f.dh, naallood. la-mid: naallee.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Inclusion
Ku jirid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
include
/inkluudh/ (v) ku darid; ku jirid; ka mid ah. (ka kooban). e.g. The price includes service charges.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
indebted
/indhetid/ (adj) 1. u mahad celin. e.g. I am indebted to Ali for his kindness. 2. deyn ku jirid (deyn lagu leeyahay). e.g. His company became indebted to the bank.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lurch
/larj/ (v) 1. dhic-dhicid (habda dhan u dhicid) 2. liicid (dhan u liicid) 3. dhibaato ku jirid (dhibaataysnaan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabid
-da: (magac, dhedig, keli) nabad iyo amaan ku jirid. Badqabiddaada ayaan ku faraxnay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqitaan
-ka: (magac, lab, keli) carar iyo didmo ku jirid.
baqitaan-ka: (magac, lab, keli) dareemidda baqis ama cabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beleysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) balaayo qabid; masuubo ku jirid. Ilaahoow belesnaan naga hay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku jir
v. be in (a place); contain; be part of ~ involved in
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku rid
throw in
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku rid
v. put ~ drop in; pack something up; inflict
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku tiri
v. consider, count as
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku mitid
v. hold fast, hold onto someone ~ something; be unwilling to lose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskujirid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar iyo wax la mid ah, labo qof iyo in ka badan, dhinac wada marid.
iskujirid-da: (magac, dhedig, keli) labo wax iyo in ka badan, isku darsamid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku dhicid
charge
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhidid
v. sweat over; work hard for something
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul rarid
Heat transfer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiirid
m.f.dh eeg kuldiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirid
(Jirid-da)
1. Wax abuuran ama jira ama jooga ahaansho.
2. Meel la yaqaan ama goor la yaqaan ku sugnaan, ku maqnaan, ku noolaan.
3. Ilaalin; dhawrid; eegid; fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirid
m.dh eeg jir². la-mid: jirrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirid
vl. n. existing, being, existence
jirid [feminine] n. trunk, stem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirid
-da: (n) trunk of a tree; trunk (taraangk); stalk (istook); stem (isteem) ~ jirrid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirid
-da: (magac, dhadig, kali) geedka qaybta u hoosaysa ee carrada ka sarays. Li: laan. Wa: jirido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirid
a: jiraal (ka)
de: existing, being, existence
lx: jirid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: jirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurid
(Kurid-da)
Goyn hagaagsan oo kol keliya wax madaxa ama afka looga gooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurid
m.f.dh eeg kur³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurid
-da: (magac, dhedig, keli) goyn hagaagsan oo kol keliya waxa madaxa ama afka looga gooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku qir
v. prove, sustain
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_jir
de: be in (a place); contain; be part of ~ involved in
lx: ku jir
pd: (jiray)
ps: v1=expr
key: ku_jir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_rid
de: put ~ drop in; pack s.t. up; [fig.] inflict
lx: ku rid
pd: (riday)
ps: v1=expr
xe: Put it into a wooden box.
xv: Sanduuq qori ah ku rid.
key: ku_rid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kutiri
de: rumor, hearsay, gossip; unreliable news
lx: kutiri
pd: (-ka)
ps: np-m
key: kutiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurid
m.f.dh eeg kuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurid
-da: (magac, dhedig, keli) fiirin; ku dhegagid; dhugasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u tiri
v. count something for someone; hand over one's responsibilities in a position to a successor; compose (a poem ~ song) for someone
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawirid
m.f.dh eeg kawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawirid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama markab meeshii loo socday meel aan ahayn u weecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir ku dhicid; qof kibray noqosho. Dh: kibrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku bari
v. spend the night, pass the night in peace
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku biir
v. join an organization
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku diin
v. be surprised ~ astonished at, be stupefied by
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku jaad
v. divide up, assign
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku jeed
v. head towards, go to; face
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku mihi
v. tantalize, delude ~ deceive someone with something; pretend to give
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku orri
v. boo, show disapproval (of actor, speaker ~ shameful action)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku tiil
v. lean something against something else
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xiji
v. make follow, put after, put next to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku xiji
-yey / say: (v) place next; put next
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_tiri
de: consider, count as
lx: ku tiri
pd: (tiriyey)
ps: v2a=expr
key: ku_tiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuljiir
(Kuljiir-ka)
(wax la cabbo) kulayl aan badnayn; kul dhexdhexaad ah oo fartu garato; qandac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuljiir
m.l.kh K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iyo wixi lamida ay yeeshaan; qandac. la-mid: kuldiir¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuljiir
m.l.kh K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iyo wixi lamida, ay yeeshaan;qandac. la-mid: kuldiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuljiir
m. n., [compound] warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuljiir
-ka: (magac, lab, keli) kulayl aan badneyn oo la cuni karo. Dh: diirrimaad, qandac, kuljidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuljiir
bw: kuldiir
de: warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
lx: kuljiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: qandac
key: kuljiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kusimid
(Kusimid-da)
Kummeelgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kusimid
m.dh eeg kusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kusimid
-da: (magac, dhedig, keli) ku meelgaar ahaan u haysasho ama wax ugu qabsasho; kummeelgaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugjiid
-ka: (magac, lab, keli) naxdin darteed la soconwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bibjirid
-da: (magac, dhedig, keli) dibjir noqosho; saaqidid oo suuqa barasho. Waa in carruurta dibjiridda lagala dagaallamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibjirid
(Dibjirid-da)
1. Habeen dhan qadoodi ku seexad.
2. (xoolo) dibad ku baryid; dibboodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibjirid
m.f.dh eeg dibjir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haajirid
(Haajirid-da)
Dal durugsan aadid; dalaabid; (ama haayirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haajirid
m.f.dh eeg haajir². la-mid: haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajirid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka socosho oo meel kale u guurid. Shimbiruhu waxa ay sameeyaan haajirid xilliyada ku salaysan. Dh: qaxid, dalandoolid, guurid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KA BIXID
Scarico
Discharge
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ka bixid
Rinuncia
Renunciation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khajilid
m.dh la-mid: khajalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khajilid
-da: (magac, dhedig, keli) khajalid; sheexid; qajilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasirid
(Khasirid-da)
1. Lacag bixin; lumin.
2. Ganaax lacageed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasirid
m.f.dh eeg khasir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirkirid
(Kirkirid-da)
Mindi ama qalab kale oo aan af lahayn wax ku goynteed ku celcelin; kirkir u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirkirid
m.f.dh eeg kirkir³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirkirid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi ama qalab kale oo aan af lahayn wax ku goynteed oo ku celcelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku diran
adj., [expression], [adverb] against
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dirqi
v. compel, force someone to do something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku jifee
v. wound with the iron butt of a spear
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku jilan
adj., [expression] having accepted one's part as host
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku tumid
to spike
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xiran
der. [adjective] be tied to, adhered to ~ connected to
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xoqid
f. n. friction, rubbing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_mitid
de: hold fast, hold onto s.o. ~ s.t.; be unwilling to lose
lx: ku mitid
pd: (mintiday)
ps: v1=expr
key: ku_mitid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufriyid
(Kufriyid-da)
Kufri noqosho; gaaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufriyid
m.f.dh eeg kufri². la-mid: kufrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufriyid
-a: (magac, dhadig, keli) diinta Islaamka ka bixid. Dh: gaaloobid. Li: muslimid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUMXIDID
(Gumhidid) C Crotalaria dumosa Franch. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuutiyid
-da: (magac, dhedig, keli)eeg kuutin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjirid
m.f.dh eeg qanjir². la-mid: qanjir¹ (3).